Axmed Madoobe oo isku shaandheyn kooban ku sameeyey Wasiirada Jubbaland (Akhriso)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa isku-shaandheyn kooban ku sameeyay golihiisa wasiirada.

Wareegto goor dhow ka soo baxday xafiiskiisa ayaa lagu magacaabay Wasiir, wasiir-ku-xigeenno iyo Wasiiru-dowlayaal, iyadoo qaarkood xilalka loo kala bedelay.

Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha Juballand ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Cali Axmed, halka Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada laga dhigay Xirsi Jaamac Gani.

Wasiiru-dowlayaasha Wasaaradaha Maaliyadda, Dastuurka iyo amniga ayaa sidoo kale loo kala magacaabay Maxamed Ibraahim Amiin, Axmed Cabdiraxmaan Xassan iyo Isaaq Maxamed Xassan, iyadoo la magacabay dhowr wasiir ku-xigeen oo kale.

Hoos ka akhriso Wareegtada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -